Deeq A. Posted December 26, 2019 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa ayaa waxa ay maanta kulankii Labaad Madaxtooyada Hargeysa kula yeesheen guddoomiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Wadani. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha Wadani C/raxmaan Ciiro ayaa kulankaasi kadib warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii laga wadahadlay. Wuxuu sheegay Saylici in la isla gartay 10-01-2020 in laga shaqeeyo lana guda galo qodobadii horey loogu heshiiyey, sidoo kalena laga gudbo caqabadihii ku gadaamanaa doorashooyinka. Waxaa jiray khilaaf xooggan oo ka dhashay doorashooyinka Somaliland iyo muddo kordhinta loo sameeyey goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites