Sign in to follow this  
Deeq A.

Biixi, Waraabe Iyo Cirro Oo Ku Kulmay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa ayaa waxa ay maanta kulankii Labaad Madaxtooyada Hargeysa kula yeesheen guddoomiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Wadani.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha Wadani C/raxmaan Ciiro ayaa kulankaasi kadib warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii laga wadahadlay.

Wuxuu sheegay Saylici in la isla gartay 10-01-2020 in laga shaqeeyo  lana guda galo qodobadii horey loogu heshiiyey, sidoo kalena laga gudbo caqabadihii ku gadaamanaa doorashooyinka.

Waxaa jiray khilaaf xooggan oo ka dhashay doorashooyinka Somaliland iyo muddo kordhinta loo sameeyey goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada Somaliland.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this