Sign in to follow this  
Deeq A.

Colaad mar kale ka qaraxday degaannada Ceel Afweyn iyo Gar-Adag

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in  mar kale ay halkaasi ka soo cusboonaatay colaad u dhexaysa laba beelood oo dhowaan laga heshiiyay.

Colaadda ayaa dib u soo noqotay, kadib markii degaannada Ceel Afweyn iyo Gar-Adag maanta lagu dilay laba qof oo shacab ah, kuwaasi oo ka soo kala jeeda beelaha horay halkaasi ugu dagaallamay, sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Wararku waxay sheegayaan, in malayshiyaad hubaysan oo ka kala tirsan labada beelood ay maanta isku hor-fadhiyaan degaannada Ceel Afweyn iyo Gar-Adag ee galbeedka gobolka Sagaan, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dagaallo culus dib uga dhex qarxaan labada beelood.

Sidoo kale, Ciidamada Somaliland ee ku sugan galbeedka gobolka Sanaag, ayaa lagu eedaynaya in ay la kala safan yihiin malayshiya-beeleedka halkaasi isku hor-fadhiya, xilli aysan jirin wax waan-waan ah oo lagu qaboojinayo colaaddaasi.

PUNTLAND POST

The post Colaad mar kale ka qaraxday degaannada Ceel Afweyn iyo Gar-Adag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this