Deeq A. Posted December 26, 2019 Jowhar (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil uu askari ka tirsan ciidamadda Soomaaliya uu ka geystay Jowhar, caasimada HirShabelle. Marxuumka ayaa la sheegay in uu ahaa wiil yar oo kamid ah ganacsatadda ka shaqeysa iibinta kaluunka ama Malayga. Dilka ayaa la sheegay in uu yimid markii askariga uu waydiiyey wiilka yar shan kun oo Shiling Soomaali, markii uu u sheegay uusan hayn la dilay. Dadwayne ka careysan khaarijinta wiilka yar ayaa isugu soo baxay magaaladda, waxayna sameyeen banaanbaxyo xoogan. Xaaladda magaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana wali aanan ka hadlin arrimahaan laamaha ammaanka dowlad goboleedkaas. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Carro.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites