Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Ehellada Cabdullaahi Xiirey oo shaaciyey ‘cidda dishay iyo sida loo dilay’ (Shabaab maaha)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Faarax Xiirey oo ka mid ahaa dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho, ayaa habeenkii Isniinta lagu dilay degmada Hodan, waxaana markii ugu horreysay dilkiisa ka hadlay ehelladiisa.

Ehellada Cabdullaahi oo shir jaraa’id  qabtay ayaa sheegay in dilka marxuumka uu ka dambeeyey sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda.

Cabdullaahi Cabdikariim Maxamed Xiireey oo ay walaal yihiin ayaa sheegay in inta aan la dilin ka hor ay jirtay dood iyo khilaaf ka dhaxeeyey marxuumka iyo taliyaha guutada 1-aad ee 12-ka April ee ciidamada xoogga dalka, oo lagu magacaabo Xasan Jaamici.

Cabdullaahi Cabdikariim ayaa sheegay in 23-kii bishan xilli habeen ah ayuu marxuumka u yimid sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Cabdi Jaamac, islamarkaana ay israaceen, daqiiqado kadibna Cabdullaahi Xiireey lagu dhex diley gaarigii uu watay.

Cabdullaahi Cabdikariim waxa uu intaas ku darey in Cabdillaahi Xiirey uu lahaa shirkad ganacsi, islamarkaana Xasan Jaamici uu dhowr mar ugu hanjabay dil.

Caasimada Online si madax banaan uma xaqiijin karto eedeymaha qoyska Cabdullaahi Xiirey ay u jeediyeen Xasan Jaamici. Sidoo kalena, nooma suurta-gelin inaan helno Xasan Jaamici si uu uga ajwaabo eedeymahan.

Hoos ka daawo hadallada qoyska Cabdullaahi Xiirey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this