Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Weftigii Ka Socday Maamullada Soomaalida Iyo Oromada Ee Dalka Itoobiya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii xalay kulan salaan ah la qaatay weftigii ballaadhnaa ee ka socday maamullada Soomaalida iyo Oromada ee dawladda Federal-ka Itoobiya ee booqashada shaqo ku joogay Somaliland.

FB_IMG_1577351966759.jpg FB_IMG_1577351969645.jpg

Weftiga ka socda maamullada Soomaalida iyo Oromada oo ay hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka is-maamulka Oromada Mrs Chaltu Sani Ibraahim, ayaa kulankooda salaanta ah madaxweynaha kula qaatay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay labada dhinac iska xog-waraysteen xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo guud ahaanba Itoobiya, iyaga oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida walaaltinimada leh ee uu dalka ugu soo dhaweeyey.

Kulanka Salaanta ah ee uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda maamullada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wa bilaahi Tawfiiq

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this