Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo soo bandhigtay xeelad cusub oo ay uga hortageyso weerarada Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Wajeer (Caasimadda Online) – Maamulka  magaalada  Wajeer ayaa shaaca ka qaaday  in ay diyaariyeen istiraatiijiyad cusub oo lagu xaslinayo amniga magaalada  Wajeer kaddib markii ay kordheen weerarrada Al-shabaab ka geystaan Magaaladaasi.

Jacob Narengo Guddoomiyaha Wajeer, ayaa warbaahinta u sheegay  in ay go’aansadeen in ay kulan la qaataan  odayaasha Gobolka Gedo ee dhinaca Soomaaliya iyo odayaasha Wajeer kaddibna sameeyaan Guddi isku dhaf ah oo ka wada shaqeeya amaanka Sohdinta labada dal.

Guddoomiyaha ayaa odayaasha Labada Dhinac ka dalbay  in ay si wadajir ah ugu wada  shaqeeyaan amniga,  islamarkaana xoogga saaraan sidii Hay’adaha amniga ee Kenya ay u heli lahaayeen xogaha weerarrada Al-shabaab ka hor inta aysan fulin.

Isniintii la soo dhaafay saraakiil ka mid ah Hay’adaha amniga Kenya ayaa ka badbaaday weerar Miino ahaa kaddib markii Gaari ay la socdeen uu dulmaray markii uu dhaafayna ay qaraxday.

Xeeladaan cusub ee looga hortagayo weerarada Al-Shabaab ayaa imaaneyso kadib markii ay cirka isku shareertay weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inaysan joojin doonin weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya inta ay ciidamada Kenya isaga baxayaan Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa waxaa ka joogo ciidamo badan oo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ee kaasoo muddo ka badan 10 sano ka socdo Soomaaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this