Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Amniga Sacuudiga Oo Toogasho Ku Dilay Siyaasiyiin Mucaarid Ku Ahaa Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Laamaha Amniga Sacuudiga ayaa dilay laba siyaasi oo mucaarad ku ah dowlada kadib howlgal ka dhacay deegaan ku yaalla gobolka bari ee Shiicada ku badan Tahay.

20191226_090116.jpg

Goobjoogayaal diiday in warbaahinta lagu xuso ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaanka Al Canuud oo ku dhow magaalo madaxda gobolka ee Damaam oo qiyaastii 400 oo kiilo mitir dhanka bari kaga beegan caasimada Riyaad.

Labada siyaasi ayaa ciidanka si badheedh ah ay u toogteen kuwaasi oo isla durbadiiba meesha ku Nafbaxay.

Sacuudiga ayaa sanadihii la soo dhaafay xoojiyay cadaadiska uu ku hayo siyaasiyiinta iyo culumida dhaliishan maamulka Boqortooyada.

Arintaan ayaa la aaminsan yahay in uu ka danbeeyo dhaxalsuge Maxamed Bin Salmaan, walow arintaas uu gaashaanka u Daruuray.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this