Sign in to follow this  
Deeq A.

Erdogan Oo Noqday Madaxweynihii Ugu Horreeyay Ee Safar Ku Taga Tunisia Intii Uu Xilka Qabtay Madaxweyne Kais Saied.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dhiggiisa dalka Tunisia  Kais Saied uu kala hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen xal ka gaadhida dagaalka sokeeye ee ka socda wadanka Liibiya.

102961307_erdogan.jpg

Warsaxaafadeed uu qabtay Erdogan oo garabkiisa uu taagnaa Mr Saied ayaa wuxuu sheegay in Tunisia ay muhiim u tahay xasiloonida dalka daris wadaaga ay yihiin ee Liibiya oo dhaca waqooyiga Afrika.

Booqashada Erdogan uu ku tagay arbacadii shalay magaalada Tunis ayaa noqoneysa madaxweynihii ugu horreeyay ee safar ku gaadha Tunisia tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Kais Saied.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinayay wasiirkiisa difaaca iyo taliyaha ciidanka Sirdoonka iyadoo macluumaad dheeri ah aan laga bixin waxyaabaha laga Wadahadlay.

Safarkaan ayaa dhanka kale imaanaya iyadoo dowlada Turkiga ay heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah la gashay todobaadkii hore xukuumada liibiya oo uu hogaamiyo ra’isul wasaare Feysal Al-Siraaj.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this