Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo heshiis kala saxiixdey

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo jooga Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulamo la yeeshey madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha Xajka iyo Xujeyda.

Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan Wasiirka Owqaafta iyo Arrimah Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay isagoo jooga magaalada Barakaysan ee Makka Al-mukaramah in maanta uu la kulmay Madaxda wasaaradda Xajka & Cumrada Sucuudiga,wuxuuna xusay in ay kala saxiixdeen heshiis la xiriira wadashaqaynta Arrimah Xajka 1441/2020.

“Waxaan ku heshiinay wasaaradda xajka iyo Cumarada Sucuudiga in la xaliyo dhammaan caqabadihii xajkii sanadkii 1440/2019,” ayuu yiri Wasiirka Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in waxbadan laga bedelo adeegyadii loo qaban jiray xujeyda Soomaaliyeed.

freeeee-300x200.jpg frrrr-300x200.jpg rfdddddd-300x200.jpg rfffff-300x200.jpg rrrrrrrr-300x200.jpg trffffff-300x200.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this