Deeq A. Posted December 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed ayaa beeniyay wararka sheegaya in xisbiga dhexe ee Baydhabo lagu jir-dilo maxaabiista. Maxamed Xuseen Xasan oo been abuur ku tilmaamay wararkaas ayaa shaaca ka qaadey in maxaabiista ay helaan tababaro iyo daryeel joogto ah. Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa xusay in ay haatan ka shaqeynayaa sidii ay u xoojin lahaa howlaha haatan ka socda xabsiga. Hadalkan ayuu wasiirku shaaca ka qaadey xili uu wareysi gaar ah siinayey idaacadda Shabelle ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka wasiirka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Koonfur-Galbeed.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites