Deeq A. Posted December 26, 2019 Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ammaanka magaalada Muqdisho oo Todobaadle ah, waxaana ka qeybgala madaxda sare ee maamulka gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir. Shirkan oo saacado socday ayaa diiradda lagu saaray xoojinta ammaanka caasimadda, ka shaqeynta bilic soo celinta, tirakoobka guryaha iyo sidoo kale sare u qaadista daqliga kala duwan ee dowladda Hoose. Cumar Filish ayaa u sheegay guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho in looga baahan yahay sare u qaadista howlaha ay bulshada u hayaan, sidoo kalena laga doonayo in si hufan ugu adeegaan shacabka ay madaxda u yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites