Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo mooshin laga diyaariyay

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 40 mudane oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa la sheegay in ay mooshin xilka qaadis ah ka wadaan madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaannada ayaa madaxweynaha Hirshabeelle ku eedeeyay qodoba kala duwan oo ay ku jiraan xil-gudasho la’aan iyo in uu ku fashilmay ilaalinta Amniga iyo xasilinta Nabad-gelyada degaannada Hirshabeelle.

Mudanayaasha mooshinka diyaariyay ayaa laga soo xigtay in ay qorshaynayaan sidii ay mooshinkaasi u horgeyn lahaayeen Guddoonka Baarlamanka dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Xubno ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle ayaa horay sidaan oo kale mooshin uga diyaariyay madaxweyne  Maxamed Cabdi Waare inkastoo markii dambe ay sheegeen in ay ka noqdeen mooshinka kadib wada-hadal lala furay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo mooshin laga diyaariyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this