Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiir ku-xigeenka Somalia ee Kenya Sudi Said Sudi oo xilka la wareegay (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiir Ku/xigeenka Safaarada Soomaaliyeed ee Kenya Suudi Saciid Suudi ayaa xilkii kala wareegay safiir ku-xigeenkii hore ee safaarada Somaliya ee Kenya Aways Amiin Sheikh munaasabad ka dhacay xarunta safaaradda ee Nairobi.

Kulanka xil- kala wareegida waxaa goob joog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya danjire Maxamed Nuur Tarsan, shaqaalaha safaaradda iyo xubno wasiirro ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaanna hadalo koobban oo ay hoo isugu jiray mahadcelin iyo soo dhoweyn loo jeediyey safiirka, qunsulkii hore iyo qunsulka cusub.

Qunsulkii hore Aways Amiin oo madasha hadal koobban ka jeediyey, wuxuu u mahad celiyay safiirka iyo guud ahaan shaqaaladaha safaaradda gacantii ay ku siiyeen gudashada waajibaadkiisa, isaga oo dhinaca kalena u rajeeyey qunsulka cusub Sudi Said Sudi in uu ALLE la garab galo waajibaadka culus ee loo igmaday, isaga oo ku tilmaamay Sudi Said Sudi inuu yahay diblumaasi si fiican u garanaya waajibaadkaasi, lehna khibrad siyaasadeed.

Sudi Said Sudi oo kulankaasi ka hadlay wuxuu dhinaciisa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo safiir ku-xigeenkii hore Aways amiin, sidoo kale, wuxuu u mahadceliyey safiirka iyo dhammaan howl-wadeenada safaaradda oo uu sheegay in ay si qurux badan ugu soo dhoweeyeen safaaradda.

“Waxaan aad ugu mahadcelinayaa mudane Aways Amiin oo shaqo fiican ka soo qabtay safaarada, waxaana rajaynayaa in aan sii dhameeystiro tiro howshii uu soo qabtay, waxaana aad ugu mahad celinayaa safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Tarsan oo asna si milgo leh iigu soo dhaweeyay safaarada” ayuu yiri Danjire Sudi Said Sudi oo halkaas ka hadlay.

Safiir ku-xigeenka safaarada Soomaaliya ee Kenya ahna qunsulka safaarada danjire Sudi Said Sudi ayaa sheegay in uu u shaqayn doono ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, uuna xafiiskiisa u furan yahay qof kasta oo Soomaali ah.

Safiir ku-xigeenka safaarada Soomaaliya ee Kenya ahna qunsulka safaarada Soomaaliya , Sudi Said Sudi ayaa horay u soo noqday Chief of Protocol dowladii Carta, iyo Chief of Staff kii dowladii Sheekh Shariif, sidoo kale wuxuu noqday madaxda protocol-ka Raysul wasaarayaashii hore Cumar Cabdirashid iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

80697425_760323791112063_783550039363420 80574671_612847332858131_236874365566713 80692567_585715512258164_808624851717927 80752384_580792566067559_248861408836452 79109340_559859444861277_780029960188539

Wariye Cabdixakiin Cilmi Xasan, Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this