Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadweyne billaabay inay ka barakacaan duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceelasha Biyaha (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya inuu halkaas ka bilowday barakac ay samaynayaan qaar ka mid ah shacabka deggan

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa la arkayey qoysas badan oo kasoo cararaya guryihii ay ka daganaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha, oo dad badan ay dageen xilligii ciidamada Itoobiya ay xoogga kusoo galeen Magaalada Muqdisho.

Sida ay Caasimada Online ogaatay, sababta keentay inay dadkaan ka barakacaan guryahooda, ayaa ah kadib markii ay bateen weerarada ay Al-Shabaab xilliyada habeenkii ah kusoo qaadaan, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyey noqday kuwa joogto ah.

Sidoo kale qoysaska barakacay ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay halkaasi madaafiic kusoo tuuraan xilliyada habeenkii ah markii ay weerarka soo qaadaan Al-Shabaab, taasoo argagax iyo cabsi ku abuurtay dadkii halkaas daganaa.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa waqtiyada habeenkii ah ka taliyo qeybo badan oo ka tirsan Ceelasha Biyaha, waxayna fariisimo ku leeyihiin meel duleedka ka ah Ceelasha Biyaha oo ah xero lagu tababaro maleeshiyada Al-Shabaab.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa qiyaas ahaan 15km u jira Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab laga saaray dhawr sano ah, balse weli waxaa muuqato awoodda iyo saameynta ay Al-Shabaab ku leeyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this