Deeq A. Posted December 25, 2019 Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay weerar saf ballaaran ah ku qaaday deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lala beegsaday saldhigyo ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaal toos ah oo saacad qaatay uu xigay weerarkaasi, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerkaan iyo dagaalka xigay ay khasaaro ku gaarsiisay ciidamada huwanta, walow aysan shaacin inta uu la’egyahay. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in xalay saqdii dhexe ay weerar xoogan ku qaaday deegaanka Arbacow ee gobolka Sh/Hoose, kaas oo ay sheegtay inay la beegsatay saldhig ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi ay ku leeyihiin halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo ku aadan weeraradaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayey dhaq dhaqaaqyada milatari ee u dhexeeya ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ee socda koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites