Deeq A. Posted December 25, 2019 Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ka wada gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa yimid, kadib markii xalay magaaladaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray, Cismaan Axmed Askar. Dilka ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday dhacdada kadib. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi ayaa warbaahinta u sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay amniga Boosaaso ayaa faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada magaaladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites