Deeq A. Posted December 25, 2019 Dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah ay soo dhoobtay deegaan dhaca xadka Soomaaliya. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in dhaq dhaqaaq cusub iyo howlgallo milatari ay ka bilaabeen halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in u jeedka ciidamadaasi uu yahay, sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraro laga cabsi qabo inay Al-Shabaab fuliso sanadka cusub ee 2020-ka. Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in diyaarado dagaal lagu arkayo hawada deegaanadaasi. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada ay ka fuliso xadka labada dal, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites