Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Golaha Shacabka oo meel mariyey sharciyo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulanka guud ee Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ku furmay 156-Xildhibaan,waxaa ugu horeyn Xoghayaha guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan uu Golaha u Akhriyay meelaha wax ka bedelka lagu sameeyay ee Sharciga Maareeynta maaliyadda guud PFM-ka.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha oo u codeeyay Sharcigan ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 148-Xildhibaan 6-Xildhibaan ayaa diiday halka 2-Xildhibaanna ay ka aamustay sida uu natiijada ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiye kuxigeenka guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aamina Cusmaan ayaa xildhibaanadda uga mahad celiyay sida ay sharcigan u ansixiyeen.

Sidoo kale Xildhibaanadda golaha shacabka ayaa u codeeyay Sharciga shirkadaha oo goluhu horey u ansixiyay islamarkaana uu dib usoo celiyay golaha Aqalka Sare,waxaana ogolaatay 156-Xildhibaan oo ah tirada guud ee Xildhibaanadda kulanka joogay.

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan
Iyo Guddiga ganacsiga,warshadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee Golaha Shacabka ayaa Sidoo kale Xildhibaanadda uga mahad celiyay sida ay ugu codeeyeen sharcigan

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka aanan dhankooda siyaasadeyn shuruucda Dalka Muhiimka u ah gaar ahaan kuwa kaabaya qorshaha deyn cafinta Dalka maadaamaa ay dalka muhiim u yihiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maadaamaa waqtiga uu aad u yaryahay looga baahanyahay Guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka in ay xooga saaraan ka hor dhamaadka bishan December in sharcigan la ansixiyo sidoo kalena codeynta sharcigan ay si wadajir ah ugu codeyn doonaan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

80023336_736933836795683_2563842154245914624_o 80104399_736933793462354_8740701060919721984_o 80202195_736933466795720_1248621420435472384_o 80384463_736933410129059_1477324688030957568_o 80421147_736934520128948_3173160346961575936_o 80555020_736934236795643_1772147740197781504_o 80567294_736933323462401_8485476585019801600_o 80815457_736933986795668_4824236764426141696_o 80822247_736934486795618_7538255370754457600_o 81000391_736932446795822_3882878524117221376_o Aamina Golaha BF Golaha Shacabka Golaha

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this