Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka oo Ansixiyey Sharciyo Muhiim Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta ansixiyey sharciyo muhiim sida Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda iyo Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.

Codeyn ka dhacday gudaha golaha waxaa ay noqotay sidan:  Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda waxaa ogolaaday 148 mudane, waa diiday 6 halka ay 2 ka aamuseen.

Dhanka kale, Hindise Sharciyeedka Shirkadaha waxaa loo ansixiyey  si guud oo waxaa ogolaaday dhammaan xildhibaannada.

Guud ahaan waxaa maanta joogay 156 xildhibaan, waxaa ayna hawlaha u dhaceen si habsami leh.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this