Sign in to follow this  
Deeq A.

DENI oo shaaciyey sababta loogu dhagan yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Onine) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo ka hadlayey xerada 54-aad ciidanka Daraawiishta ee duleedka Garoowe ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda maamulkaasi.

Madaxweyne Deni ayaa ugu horreyn sheegay in xukuumaddiisa bilihii la soo dhaafay ay xoogga saartay dib u dhiska ciidamada iyo sidii loo tayeyn lahaa, wuxuuna tilmaamay inay wax  adan uga qabsoomeen qorshihiisa.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday sababta lagu macaarado maamulka uu hoggaamiyo, isagoo xusay in lagu dhaliilo markasto in aysan bixin mushaaraadka ciidamada, hayeeshee uu gaashaanka u daruuray, wuxuuna qiray inay si joogta u bixiyaan xuquuqda ciidanka.

Deni ayaa intaasi ku daray in Punland ay ka go’an tahay inay hesho ciidan ku filan oo awood leh, kuna seexaan karaan shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

“Muddadii hada la joogay waxaa dad fara badan oo ladan dalka jooga waxay nagu mucaaradayeen mushaaraadka idinka idin qeybino, mushaarkiina joogto uma heshaan Taliye, dowladda lacag ma bixiso la leeyahay lacagta inay baxday idinka og. ”ayuu yiri Madaxweyne Deni oo la hadlayey ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu kala dardaarmay saraakiisha ciidanka inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, islamarkaana ay xoojiyaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay gadood ka sameeyeen gudaha maamulkaasi, kuwaas oo ka cabanayey mushaar la’aan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this