Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Ingiriiska oo ka Hadashay Heshiiskii Lagu Soo Afjaray Colaadii Ceel-afweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Ingiriiska ayaa bogaadisay  heshiis nabadeed  oo ay wadagaadheen laba beelood oo muddo afar sannadood ah ku dirirsanaa degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, kuwaasi oo colaadii u dhexaysay soo afjaray Axadii Toddobaadkan.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Qoraal uu bartiisa Twitterka ku baahiyey Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee u qaabilsan Somaliland Stuart Brown, waxaanu sheegay in heshiiskaasi uu caddeyn u yahay muhiimada nabadda salka hoose laga soo unkay  ee ay bilaabeen shacabka Somaliland.

Stuart Brown wuxuu heshiiskii lagu soo afjaray colaadii deegaanka Ceel-afweyn ku sifeeyey heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo lagu guulaystay  afar sannadood kadib markii colaadaasi bilaabantay.

Capture-1.jpg?w=640&ssl=1

 Madaxa dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland waxa uu tilmaamay inuu bogaadinayo cid kasta oo kaalin ka qaadatay heshiiskaas, waxaanu xusay inuu u rajaynayo bulshada deegankaasi inay ku naaloodaan nabadgelyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this