Deeq A. Posted December 25, 2019 Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa xildhibaanadu waxa ay uga doodi doonaan hindise sharciyeedka maamulka iyo maareynta maaliyadda iyo midka shirkadaha. Labadaan hindise sharciyeed ayaa waxaa soo diyaariyey wasaaradda maaliyadda iyo mida ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay dardar galinayey shaqooyinka hor yaalla, gaar ahaan meel marinta shuruucda kala duwan ee la hor geeyey. View the full article Share this post Link to post Share on other sites