Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha shacabka oo kulan ku leh magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa xildhibaanadu waxa ay uga doodi doonaan hindise sharciyeedka maamulka iyo maareynta maaliyadda iyo midka shirkadaha.

Labadaan hindise sharciyeed ayaa waxaa soo diyaariyey wasaaradda maaliyadda iyo mida ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay dardar galinayey shaqooyinka hor yaalla, gaar ahaan meel marinta shuruucda kala duwan ee la hor geeyey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this