Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo ballan u sameeyey ciidanka maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland ayaa ballan qaaday in haatan wixii ka dambeeya uu maamulkiisu bixin xuquuqda iyo mushaaraadka ciidamada Puntland.

Siciid Deni oo xerada 54-aad ee duleedka magaalada Garoowe kula hadlayey cutubyo ka tirsan ciidamada maamulkaasi ayaa sheegay inuu garab taagnaan doono ciidamada, islamarkaana ay heli doonaan tababaro dheeraad ah iyo daryeel dowladeed intaba.

Sidoo kale wuxuu kala dardaarmay saraakiisha ciidamada inay xoojiyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday iyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanada Puntland.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Jaamac-Kadiye.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this