Deeq A. Posted December 25, 2019 Madaxweynaha waddanka Burkina Faso, Roch Marc Christian Kabore, ayaa sheegay in 35 qof oo rayid ah lagu dilay, weerar ay koox mintidiin Muslimiin ah ku qaadeen waqooyiga dalka Burkina Faso. Weerarka oo shalay ay mintidiinta ku qaadeen xero milatari oo ku taalla gobolka Soum, ayaa waxaa ku dhintay 7 askari iyo 80 ka mid ah kooxaha mintidiinta ah ee weerarka qaaday, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Burkina Faso. Weerarka Talaadadi ayaa noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca wadanka Burkina Faso ku dhawaad muddo shan ah, tan iyo marki ay bilowdeen rabshadaha ay hormuudka ka yihiin kooxaha jihaad doonka ah ee hadda ka jira dalkaasi dhaca galbeedka Africa. Burkina Faso oo xuduud la leh dalalka Mali iyo Miger ayaa tan iyo sannadki 2015-ki waxaa ka dhacayay weeraro ay kooxo mintidiin islaami ah ku qaadayeen ciidamada dowladda. Weeraradaasi ayaa sababay dhimashada boqollaal qof halka ay ku barakaceen kumannaan ruux oo rayid ah. PUNTLAND POST The post 35 qof oo Rayid ah oo lagu dilay dalka Burkina Faso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites