Deeq A. Posted December 25, 2019 Marxuum Cismaan Axmed Askar Dableey hubaysan ayaa xalay magaalada Boosaaso ku dilay, nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Axmed Askar, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga gobolka Bari. Dableeyda hubaysan ayaa rasaas ku furay ninka dhintay, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa magaalada Boosaaso, daqiiqado kadib markii uu ka soo dhaqaaqay saaxiibadiis oo fadhiyay maqaaxi lagu caweeyo, sida ay sheegeen goob-joogayaal. Kooxdii dilka gaystay ayaa durbadiiba goobta isaga baxsaday, ka hor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka Booliiska gobolka Bari, oo markii dambe hawlgal ka sameeyay xaafadda dilkaasi ka dhacay. Caaqil Axmed Askar oo dhalay wiilka la dilay ayaa laga soo xigtay in uusan garanayn sababta wiilkiisa loo dilay, maadaama uusan Marxuumku wax siyaasad ah ku lug-lahayn. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loo gaystay marxuum Cismaan Axmed Askar. PUNTLAND POST The post Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites