Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu-sunna Oo Iska Diidday Shuruudo Ay Soo Bandhigeen Guddiga Farsamada iyo Dhismaha Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa iska diiday shuruudo ay soo bandhigeen Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug, kuwaasi oo ku wajahan xubnaha ka mid noqonaya xildhibaannada Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Ahlu-sunna ayaa lagu sheegay in aanay marnaba u hoggaansami doonin shuruudahaasi, maadaama heshiiskii DFS iyo Ahlu-sunna ahaa in iyaga u madax-banaanyihiin keensashada xildhibaannada gaaraya 20-ka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in xildhibaannada Ahlu-sunna aanu saameyn doonin, islamarkaana mudanayaashooda kaliya sugi doonaan dhaarinta.

Halkaan hoose ka akhriso:

Ahlu-sax.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this