Deeq A. Posted December 25, 2019 Wararka laga helayo koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegay in qarax culus uu gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degaan lagu magacaabo Miliqo oo hoostaga degmada Xarardheere. Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in ay maqleen jugta qarax culus oo ka dhacay goob la sheegay in Al-shabaab ay ku diyaarinayeen gaari walxaha qarxa laga buuxiyay, gaarigaasi oo ku qarxay xubno ka tirsan Al-shabaab. Goobta qaraxu ka dhacay ayaa laga arkay qiiq iyo uuro madow oo circa isku shareeray kadib jugta culus ee halkaasi ka dhacday, waxaana sida la rumaysanyahay goobta ku wada-dhintay dhammaan xubnihii qaraxaasi diyaarinayay. Malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo aad u hubaysan ayaa sida la sheegay isku gedaamay goobta qaraxaasi ka dhacay, iyagoo shacabka u diiday in ay u dhowaadan aaga wax ka dhaceen si aan loo ogaan khasaaraha. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Al-shabaab oo uu ku qarxay gaari miinaysan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites