Sign in to follow this  
Deeq A.

Merve Kavakçı: Geesiyaddii Turkiga ee guusha gaartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hadda waa Safiirka u jooga Jamhuuriyadda Turkiga Wadanka Malaysiya, waxaana lagu tirayaa haweeney shaqo badan oo daacad u ah qarankeeda.

Merve Kavakçı gelitaankii siyaasadda waxey ka martay harjad adag, waxey usoo dulqaadatay dhega hadal iyo weji xumeyn badan, dhammaanna waxey uga dhacayeen iney jeceshahay asturnaanta jirkeeda.

Han kasta oo siyaasadeed oo ay leedahayna marna ma noqon qof waayuhu liiciyeen oo dhigta asturkeeda hu’ga iyo xijaabka. Laakiin waxey laheyd yool dheer iyo iney aaminsantahay nafteeda.

Merve Kavakçı ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay kursi Baarlamaan oo ay usoo gashay dedaal sanadkii 1999-kii, nasiib-darrese waa laga raacdeeyay iney Xubnaha Golaha Mudanayaasha Wadanka Turkiga ay kamid noqoto, sababta oo ah waxey diiday iney Xijaabka tuurto. Xilligaas Turkiga waxaa awood ku lahaa Mabda’ii Cilmaaniga oo ay ku shaqeyneysay dowladdii ra’iisul Wasaare Najm al-Din Erbakan. Cilmaaniyaddu ma ogoleyn in dumarka siyaasadda kamid noqonaya ay xijaabtaan.

Dhibka intaasi kuma e’ekeyn oo xitaa waxaa lagala laabtay dhalashadeedii Muwaadinimmo ee Turkiga iyada iyo shan ka mid ah hoggaamiyayaashii Xisbigeeda, sababo la xiriiray muujinta Mashaacirtii Islaamiga ahaa oo ay lasoo banbaxeen.

Hadda waxey tusaale u tahay haween badan oo Siyaasadda Jamhuuriyadda Turkiga ku jira, oo xitaa qaarkood Wasiirro ah, waxey xirtaan Xijaabka, fikirkii Xilligaasi jirayna hadda awood kama laha Turkiga . Gabadhaan waxey sidoo kale tusaale u tahay haween badan oo leh han Siyaasadeed , kuwaas oo aan haddane ka tegin dhaqankooda Islaamiga ah.

W/Q: Abdiaziz Ahmed Barrow

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this