Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia oo shaacisay in kooxda Macawiisleyda la qarameynayo (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa booqasho ku tagay Tuulada Xaaji Cali ee gobolka Shabellada dhexe.

Taliyaha ayaa halkaas kula hadlay dhallinyarada macawiisleyda deegaanka ee isu taagay si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Taliyaha oo ay garab taagnaayeen saraakiil kale ayaa sheegay in dowladda federaalka ay garab taagan tahay dhalinyarada Macaawiisleey, isla markaana la qarmeyn doono.

“Awal kaligiin ayaa dagaalami jiray soo maahan, hadda garab ayaad heysataan, waxaadna heli doontaa taageero buuxda oo idinkaga timaado Dowladda Dhexe” ayuu yiri Taliye Bariise.

Sidoo kale, taliye Bariise ayaa amray taliska qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka inay garab siiyaan dhallinyarada Macaawiisleeyda.

“Waxaan amrayaa taliyaha qeybta 27-aad inay garab idiin siiyaan, oo qalabkooda iyo raashiinkooda wax idinka siiyaan inta ay Dowladda Soomaaliya ka diyaarineyso qorshihii lagu qarameyn lahaa” ayuu sii raaciyey.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntii ciidamada Macawiisleyda uga mahadceliyey halgankii ay u galeen sidii deegaanadooda ay uga sifeyn lahaayeen Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka taliye ku-xigeenka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Taliye-Bariise.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this