Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Mahdi Guuleed ka faa’iidayaa inuu u been sheego madaxweyne Farmaajo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shalay, isaga oo hor-taagan Farmaajo, sheegay inay dalka ka qabanayaan doorasho qof iyo cod ah. Kaba soo qaad, riyadiisa run ayey noqotay, xaggee isaga laga soo dooranayaa?

Waa su’aal aan jawaab lahayn, maadaama uu kasoo jeedo Somaliland, oo dowladda Soomaaliya aysan ku qabin karin doorasho qof iyo cod. Balse inuu sidaas ku fakaro, isagoo og xaqiiqda deegaankiisa, waxay ku tusaysaa heerka ay gaarsiisan tahay beenta uu u sheegayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo, wuxuu hadda ku sugan yahay xaalad cidlo ah, oo kaligiis looga kala-tagay. Wuxuu ku adkaysanayaa inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, oo aan caalamka nooceeda weligeed ka dhicin, taasi oo ah in dhowr kun oo qof meel la isugu keeno oo la yiraahdo “waxay matalaan shacabka oo dhan”.

Waxaa taas ku diiday ra’iisul wasaarehiiisa Xasan Cali Kheyre, afhayeenadii labada aqal ee baarlamanka, xildhibaanadii, iyo maamul goboleedyadii, kuwaas oo isku raacsan in nooca doorasho qof iyo cod ee uu Farmaajo rabo ay tahay mid lagu qoslo, halka doorasho qof iyo cod ah oo shacabka oo dhan ay ka wada qeyb-galaan aan xilligan laga qaban karin Soomaaliya.

Sababaha waxaa ka mid dastruuka dalka oo qabyo ah, shacabka oo aan la tira-koobin, si deegaan walba uu u helo matalaad u dhiganta tirada dadkiisa, deeganao badan oo Shabaab ay haysato, amniga oo aad u xun, iyo Somaliland oo maqan.

Hadalka kasoo yeeray Mahdi, wuxuu ka jeediyey Villa Somalia, oo toddobaad un ka hor ay iridkeeda soo weerareen Al-Shabaab, oo galay hotelka SYL ee ku dhow, halkaasna ay ku laayeen shacab badan. Mahdi ma beeninayo in amniga aad u xun yahay oo khudbaddiisii ayuuba ku sheegay.

Wuxuu yiri “annaga waxaa na laga rabaa inaan amniga hagajinno, oo aan wax ka qabano, haddii aan amniga dib u hagaajino, waan qaban karnaa doorasho qof iyo cod ah.” Waxaa yaab leh, muxuu yahay amniga saddex sano lagu hagaajin waayey ee sanadka u harsan xukuumadda ay ku hagaajin karto?

Xaqiiqda ah, in Mahdi isaga oo qirsan in amniga hagaajis u baahan yahay, in Somaliland maqan tahay oo deegaankiisa ah, in dhul badan haysato Al-Shabaab, in shacabka aan la tira-koobin, waqtiga harsanna lagu sameyn karin, uu haddana doorasho qof iyo cod ah ku xadreynayo, waxaa ka cad oo kaliya hal mid, oo ah inuu ka cayaarayo maskaxda Farmaajo.

Lam yaqaan waxa kasoo galaya inuu madaxweynaha oo hadda kali noqday uu ugu been sheegayo, balse waxaa macquul inay ka tahay “iska maqashii wuxuu jecel yahay, wax kaa dhibi maysee”, sababtoo ah bilihii dhowaa waxaa la sheegay in Farmaajo dadka ugu jeclaa qofkii yiraahdo’ Dib ayaa lagu dooranayaa, iyo doorasho qof iyo cod ah ayaa dhici karta.”

Mahdi dadka yaqaan badankood waxay sheegaan inuu yahay nin zaciim ah oo afgaaban, balse waxaan ka xumahay in wax uu ra’iisul wasaareihiisa u arkay mid aan caqli gal ahayn uu ugu been sheegayo madaxweynihiisa, qalbigiisana ugu dhibcinayo wax uu jecel yahay balse aan suurta-gal ahayn. Mararka qaar runta qaraar ayaa ka wanaagsan beenta macaan, ee Mahdiyow cayaarta ka daa maskaxda Farmaajo, waxba ka dheefi meysidee.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this