Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaban qaabo doorasho ‘oo ka socota’ Kismaayo iyo Seeraar oo dib ugu laabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Xildhibaan federal Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Golaha isbadal doonka Jubbaland oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inay magaalada Kismaayo ka wadaan qaban qaabo loogu diyaar garoobayo doorasho ka dhacda halkaas.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay inuu magaalada Kismaayo uu soo gaaray Cabdinasir Seeraar, wuxuuna tilmaamay inay magaalada Kismaayo ka dhici doonto doorasho xor iyo xalaal ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Anigoo ku hadlaya magaca isbedel doonka Jubaland, waxaan si kal iyo laab ah usoo dhaweyneynaa Mudane Cabdinasir Seeraar oo maanta dib ugu soo laabtay xarunta isbedel doonka Jubaland ee Kismaayo: Goolka is-bedel doonka Jubaland ayaa ah In Jubaland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Xidig.

Seeraar ayaa kasoo laabtay magaalada Nairobi oo uu muddo ku sugnaa, halkaas oo la sheegay in odayaal ku beel ah isaga iyo Axmed Madoobe ay dhex-dhexaadin ka wadeen, mana cadda natiijada kasoo baxday.

Xidig ayaa sheegay in kulamo dhowr ah ay dhowaan dhici doonaan, si loogu diyaar garoobo doorashada.

“Haddii rabi idmo waxaa maalmaha soo socda dhici doona kulamo isdaba jooga oo loogu diyaar garoobayo qorshaha doorashada Jubaland oo fooda inagu soo haysa Inha Allah.” Ayuu yiri xildhibaan Xidig.

Ma cadda waxay tahay doorashada uu Xidig sheegay in Kismaayo lagu qabanayo. Horey waxaa magaalada uga dhacay doorashooyin kala duwan oo lagu kala doortay isaga iyo Axmed Madoobe.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo aan aqoonsan dhammaan madaxweynayaasha lagu doortay Kismaayo, ayaa horey u sheegtay inay doorasho sax ah u qaban doonto Jubaland, mana cadda haddii doorashada uu ka hadlayo Xidig iyo tan dowladda ay isku mid yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this