Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dab ka kacay Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xalay saqdii dhexe ka kacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Dabka oo ka dhashay Koronto ayaa wuxuu qabsaday dhismo ka koobnaa 9 qol oo lix ka mid ah ay ahaayeen goobo ganacsi iyo halka 3 kalena deegaan ahaan loo daganaa.

Cabdirisaaq Maxamed Rooble oo ka mid ah ganacsatada ku hanti beelay dabkaasi ayaa sheegay inuu baab’iyey dukaamo iyo farmashiye ku yiilay halkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/dv.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this