Deeq A. Posted December 24, 2019 Taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise oo maanta tuulada Xaaji Cali ee gobolka Sh/ Dhexe kula hadlayey kooxda Macawiisley ayaa u sheegay in dowladda federaalka ay garab is taagi doonto, kana war heyn doonto. Bariise ayaa sidoo kale tilmaamay in maleeshiyaadka kooxdaasi la Qarameyn doono, si ay u helaan daryeel dowladeed. Macawiisley waa koox shacab ah oo la dagaalanta Al-Shabaab, kana aas aasantay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/coo.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites