Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dowladda Somalia oo qarineysa gadiid dagaal oo looga qabsaday Geelgub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay Milateriga Soomaaliya ka qabsadeen ilaa 3 gaari oo nuuca dagaalka ah, kadib dagaalkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay degaanka Geelgub ee degmada Cadale ee gobalka Shabeelada Dhexe.

Gaadiidkaan oo ka kooban, hal gaari oo Beebee ah oo ay dhawaan dowladda Turki siisay dowladda Soomaaliya, hal gaari oo Cabdi Bile ah islamarkaana qori weyn ku xiran yahay, iyo hal gaari oo Ambulance ah oo ay leeyihiin Milateriga Soomaaliya.

Sidoo kale, Caasimada Online ayaa ogaatay in wali Milateriga Soomaaliya ay ku sugan yihiin degaan u dhaw Geelgub halkaas oo la sheegay in ay ciidanka go’doon ku yihiin, kadib markii ay dowladda Soomaaliya amartay in ay soo laaban iyagoo aan gaadiidkii soo celin islamarkaana aan qabsan degaankii ay u baxeen.

Dowladda Soomaaliya wali ma shaacin in gaadiid dagaalka looga qabsaday, sidoo kale wali warbaahinta ma ogaanin xaqiiqada dagaalkii degaanka ka dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u xirtay saraakiil hub iyo gaadiid looga qabsaday weerarkii Ceelsaliini ee gobalka Shabeelada hoose.

Al-Shabaab ayaa shalay idaacaddooda Andalus ku sheegtay in dagaalkaasi ay ku qabsadeen hub iyo sidoo kale gaari gaashaaman oo Turkiga uu siiyey dowlada Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this