Sign in to follow this  
Deeq A.

Bangiga dhexe oo amray in la xiro Akoonada FOREX

Recommended Posts

Deeq A.   

War kasoo baxay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay inay xiraan dhamaan Accounada shirkadaha ku shaqeysta sarrifka Internetka ee FOREX ay ku leedahay shirkadahaas.

Qoraalka oo ay ku saxiixan tahay guddoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe Maryan Cabdullaahi Yuusuf ayaa lagu amray inay shirkadaha gaarka loo leeyahay fuliyaan amarkaas,sidoo kalen soo gudbiyaan Cadadka lacagaha ku jira Accounada FOREX.

Guddiga dhexe ee Maamula Bangiga ayaa lagu sheegay in uu 28kii October 2019 kulan ka yeeshay arrintaanb,isla markaana la go’aamiyey Go’aanka ah in Bangiyada gaarka loo leeyahay ay xiraan Accounada FOREX.

Amarkaan ka soo baxay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay ay taagneyd dood ka dhalatay ka ganacsiga FOREX, iyada oo Culimada qaarkood ay isku khilaafeen sax ahaanshaha Ganacsiga FOREX.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this