Deeq A. Posted December 24, 2019 Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xasan Cabdi Maxamed Xijaar ayaa Magaalada Doha ee dalka Qatar uga qeyb galay xiritaanka tartanka Ciyaaraha Ururka Sports-ka Carabta. Shirkaan ayaa ay tahay markii ugu horeysay oo Booliska Soomaaliya uu ka qeyb galo, Iyadoo dhallinyarada Soomaaliya ku matashay tartanka ay kaalmo wanaagsan ka galeen. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xasan Cabdi Maxamed Xijaar ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Qatar waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas. Soomaaliya ayaa Guulo dhinaca Xiriirka Dibada ah Samaynaysay Mudooyinkii ugu danbeeyay Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article Share this post Link to post Share on other sites