Deeq A. Posted December 24, 2019 Guddiga Somaliland u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadalada, hase ahaatee ay doonayaan in la meel mariyo heshiisyadii horay loo gaaray, iyagoo ku eedeeyey dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay meesha ka saartay. Dr Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay inay soo dhoweynayana in la wada hadlo, balse waxaa ay su’aal ka keentay halka laga soo bilaabayo wada hadalada, maadaama wixii horay loogu heshiiyay la burburiyay “In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, ummaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in Madaxweyne Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo Muqdisho”ayay tiri Adna Aadan Ismaaciil. Sidoo kale waxa ay is weydiisay haddii wada hadalada ay noqdaan kuwo bilow ah, kuwii horena laga soo qaado waxba kama jiraan ay arrintu tahay gacma daalis, waxaana ay xustay in iyaga ay diyaar u yihiin dib u bilaabida wada hadalada haddii heshiisyadii hore la meel mariyo. “Hadduu oggolaado sidey heshiisyadu ahaayeen, ee madaxweyneyaashii hore u saxiixeen, waxaan subaxa xiga diyaar u nahay wadahadalka”ayay hadalkeeda ku sii dartay Adna. Guddiga Madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada hadalada Somaliland ayaa dhowaan sheegay inay diyaar u yihiin inay wada hadalo la furaan Somaliland, islamarkaana ay diyaar yihiin qorshihii lagu howlgeli lahaa. Wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa hakad ku jiray tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2015, xilligaas oo wada hadal labada dhinac ay yeeshaan ugu dambeeyay, sidoo kale tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo wax wada hadalo ah ma aanay dhicin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites