Sign in to follow this  
Deeq A.

20 dagaalame iyo saraakiil sare ‘oo lagu dilay weerar lagu qaaday’ xarumo iyo guryo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimada Online) – Ku dhawaad 20 dagaalame oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeymo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobalka Jubada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha Soomaaliya.

Duqeynta ayaa ka dhacday degmooyinka gobalka ugu waa wayn ee Jilib iyo Bu’aale, waxaana lala beegsaday xarun tababar iyo guri uu daganaa mid kamid ah saraakiisha Al-Shabaab ee dhanka tababarka u qaabilsan, sida ay Caasimada Online u sheegeen masuuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka.

“Xaafadda Hargeysa Yareey ee degmada Jilib duqeyn ka dhacay xarun tababar ayaa ku dilnay dagaalamayaal badan oo ay u socotay muxaadaro diini ah, waxaana ku dilnay xubno badan” ayuu yiri sarkaal sare oo la hadlay Caasimada Online.

“Sidoo kale duqeyn ayaa ka dhacday Bu’aale, waxaana lala beegsaday guri uu daganaa mid kamid ah ajaaniibta bixiya tababarada dagaalamayasha Al-Shabaab kuwooda qatarta ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan la hadlay Caasimada Online.

Sarkaalka la sheegay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Macalim Yoonis Karaama oo caan ku ah magaca Abuu Cutayba.

Ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha amaanka Soomaaliya ee xaqiijin karta tirada dhimashada weerarkaan, hasa yeeshee dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay dhacday duqeynta Xalay saqdii dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay iyo dorraad war ka soo saartay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed kadib markii ay sheetay in ay howlgal sameeyeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibo caalami ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this