Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamadii ugu badnaa dowladda ITOOBITYA oo soo galay gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay gudaha u soo galeen deegaano dhaca xadka Soomaaliya.

Ciidamadaan oo aan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka magaalada Jigjiga, islamarkaana ay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay gudaha u galeen deegaanadii ay dhowaan ku dagaalameen ciidanka Liyuu Boolis iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa deegaanadaasi ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo labada dhinac u kala wareejiyey maxaabistii lagu kala qabsaday dagaalladii uu dambeeyey.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in ciidanka Itoobiya ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen xadka labada dal, gaar ahaan G/ Galgaduud.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, balse dhaq dhaqaaqyadaani cusub ayaa saameyn ku yeeshay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this