Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo ‘amartay’ in la soo xiro mas’uul ka tirsan Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmada Baardheere ee gobolkaasi, taas oo u dhexeysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Xiisadaani cusub ayaa salka ku heyso arrimo la xariira maamulka magaalada Baardheere, kadib markii uu halkaasi gaaray, Ismaaciil Sheekh Cabdi Qodax oo uu dhowaan  guddoomiyaha degmadaasi u mgacaabay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye Qodax uu taageero xoogan ka heysto guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Gedo, Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi, kaas oo weli la safan maamulka Jubbaland oo ay si weyn isku hayaan dowladda dhexe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladdu ay amartay in la soo xiro guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee gobolka Gedo Al-Qaadi, kaas oo haatan ay baadi goobayaan ciidamada dowladda, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonayahay.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona degmada Baardheere ay ku wada sugan yihiin ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo ciidanka maamulka Jubbaland.

Dowladda federaalka ayaa horay u xirtay wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo loo heysto dambiyo culus, kaas oo weli ku xiran gudaha magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa sii xoogeysanayey loolanka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland ee ka socda gobolka Gedo, kadib markii mas’uuliyiinta degmooyinka Beled-Xaawo, Luuq iyo Duulow ay taageereen dowladda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa sidoo kale sii xoojisay khilaafka labada dhinac ee ka dhashay doorashadii dib loogu doortay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee dhowaan ka dhacday gudahga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this