Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Digniin Adag U Dirtay Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Afhayeenka dowladda Iiraan ayaa sheegay in waddamada midowga Yurub ay awoodaan inay difaacaan heshiiskii Nuclear-ka oo waddamada quwadaha la galeen Iraan sannadkii 2015-kii.

1577114765b4588.jpg

Mr Cali Rabaay ayaa intaa ku daray in Iiraan ay ka go’antahay inuu sii jiro heshiiskan haddii dalalka Yurub ay la yimaadaan difaaca (JCPOA).

Waddamada Jarmalka Faransiiska iyo Ingariiska oo qeyb ka ah heshiiska ayaa wuxuu ku eedeeyay inay ku fashilmeen in ay difaacaan danaha Iiraan.

Afhayeenka dowladda Iiraan ayaa dhanka ku hanjabay in dalkiisa uu bilaabi doono bacriminta hubka wax gumaada ee Nuclear ka haddii Yurub ay la imaan weydo cisbadal muuqda.

Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa sannadkii hore laashay heshiiskii 2015-ka oo Mareykanka uu qeyb ka ahaa, waxaana xayiraad dhaqaale ay Washington ku soo rogtay dowladda Iiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this