Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar Oo La Ogaaday In Ayna U Codeyn Sharcigii Deyn-Cafinta Soomaaliya Ee Ay Ku Faantay Ansixintiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar ayaa salaasadii (December 17, 2109) soo saartay war-saxaafadeed deg deg ah, oo ay ugu dabaal-dageyso sharci miisaaniyad oo uu meel mariyey Aqalka Wakiilada Mareykanka oo ay ka tirsan tahay, kaasi oo ay ku jirtay deyn cafinta Soomaaliya.

ILHAAN-CUMAR.jpg

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xaqiijinay deyn cafinta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa dul-saaran deyn dhulka la gashay, taasi oo dib u dhigatay dhaqaalihii islamarkaana malaayiin Soomaali ah ka dhigtay sabool.” Ayey ku tidhi Ilhaan Cumar qoraalka ay soo saratay.

Hase yeeshee, Ilhaan Cumar ayaan shaacin xaqiiqda ah inay ka codeysay sharcigaas, ay ku jirtay deyn-cafinta Soomaaliya.

Sharciga ayaa lagu meel-mariyey aqlabiyad ah 280-138. Ilhaan Cumar waxay ka mid ahayd 75 wakiil oo dimqoraadi ah oo codka diidmada siiyey sharcigaas.

Ilhaan ayaa goor dambe soo saartay war-saxaafadeed labaad oo ay ku sheegtay faa’iidooyinka uu sharcigaas leeyahay, sida deyn-cafinta Soomaaliya, ay ka badan yihiin faa’iido darrida, sidaas darteedna ay diiday.

“Kuma qanci karno inaan horumar kaliya sameyno, haddii aan ku guul-darreysaneyno waajibaadkii aas-aasiga ahaa ee naloo doortay” ayey tidhi Ilhaan.

Haddii Ilhaan ay u diiday sharciga inay ku jiraan waxyaabo kale oo ayna jecleysan, waxaa dad badan is-weydiiyeen maxay ugu faantay una sheegatay inay ansixiyeen sharci muhiim u ah Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this