Sign in to follow this  
Deeq A.

Madixii Shirkadda Boeing Oo Shaqada Looga Eryay Sababo La Xidhiidha Burburkii Diyaaradda 737 Max

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Shirkadda sameysa diyaaradaha ee saldhigeedu yahay dalka Mareykanka ee Boeng ayaa shaqada ka eriday madaxa shirkaddaasi, Dennis Muilenburg, si loo badbaadiyo sumcadda shirkaddaasi ka dib markii laba jeer oo ay burburtay nooc ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddaasi sameyso ee 737 Max.

110289506_45df63b2-641c-4be9-96f4-75da1d

In kabadan 340 qof ayaa shilalkaasi ku dhintay, waxaana shilalkaasi ka dhashay shaki ah in ay jirto cillad weyn oo haysata nooca diyaaraddaasi, waxaana shirkaddaasi lagu eedeeyay in ay faa’iidadeeda ganacsi ka doorbidday badqabka dadka isticmaala diyaaradaha ay sameyso.

Qoysaska dadkii ku dhintay shilalkaasi ayaa soo dhaweeyay in shaqada laga eryo Muilenberg balse waxa ay durbaba shaki ka muujiyeen ninka lagu baddalay oo muddo dheer isna ka tirsanaan jiray maamulka sare ee shirkaddaasi.

Shirkaddaasi Boeing ayaa baadhitaanno iyo cadaadis ba’an la kulmeysay tan iyo markii laba diyaaradood oo ah nooca 737 Max ay burbureen muddo shan bilood gudahood ah, kuwaa oo ku kala burburay waddamada Induniisiya iyo Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this