Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo ka warbixisay howlgallada ka socda Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda amniga dowlad gobaleedka Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre oo la hadlay warbaahinta ayaa Sheegay in howlgalo ka dhan ah dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa sheegay in dagaalyahannadu ay isku uruursanayeen deegaanno hoos yimaada degmada Cadale, balse ciidanka Xoogga dalka uu ka war haley sidaasna howlgal ka dhan ah loogu qaadey

“howlgalka waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaannada Buur baxaar, Faqiyaale iyo Daarusalaam oo dhammaan hoos yimada degmada Cadale ee gobalka Shabeellaha dhexe” ayuu yiri wasiir Maxmed Kheyre.

Sidoo kale wasiirka amniga ayaa intaa ku darey in howlgalladaan ay yihiin kuwo dhammaan deegaannada Dowlad gobaleedka looga saarayo Al-Shabaab, isagoo sidoo kale sheegay in ay sameeyeen barnaamijyo shacabka looga wacyi gelinayo Fikirka xagjirka ah.

Ugu dambeyn Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa ka hadlay kulamo uu uga soo qeybgalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, kaas oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this