Deeq A. Posted December 24, 2019 Sarreeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallada G/Baay. Taliyaha ayaa sheegay in ujeedka howlgallada uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan gobolkaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay inay laba jibaari doonaan dhaq dhaqaaqyadooda, si la’isugu furo waddooyinka go’doonsan ee isku xira magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ee K/Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay ciidamada dowladda, kuwa K/Galbeed oo isku dhinac ah ay ku dagaalameen deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-1-cabdiqani.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites