Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo go’aan cusub ka soo saaray qaabilaadda qaxooti cusub (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Istanbul (Caasimada Online) ―  Dowladda Turkiga ayaa walaac badan ka muujisay qaxootiga badan ee ku soo qul-qulaya dalkeeda, kaasi oo gaaray tiradii ugu badneyd ee dhanka qaxootiga caalamka.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa si cad u sheegay in uusan dalkiisu awoodin in uu aqbalo qaxooti cusub, midaasi oo uu ku sababeeyay tirada xad-dhaafka ah ee qaxootiga dalkaasi hore ugu sugnaa.

Madaxweyne Erdogan oo maalintii Axadii ka qeyb galay munaasibad lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxa uu sheegay in xuduudka dalkiisa ay ku sugan yihiin in ka badan Sideetan kun (80,000) oo qaxooti ah.

Erdogan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay qaxootigaasi ka soo qaxeen dhanka Idlib ee dalka Suuriya, isagoona xusay haddii aan la joojin weerarada lagu hayo Idlib ay kor u sii kacayaan dadka ka soo barakacaya.

“Haddii aanan la joojinin weerarada lagu hayo dadka Idlib, tirada dadkan kor ayey u sii kacaysaa, Turkigana ma xamili karo culayska intaas dhan” ayuu yiri Madaxweynaha Turkigu, Recep Tayyip Erdogan.

Dowladda Turkiga ayaa hore waxay u marti-gelisay qaxooti Suuriyan ah oo gaadhaya 3.5-milyan, midaasi oo Turkiga ka dhigeysa inuu marti-geliyay tiradii ugu badneyd ee qaxootiga caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this