Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada ajaaniibta Xalane ka shaqeysa iyo kuwa sharci-darrada ah oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan shirkado iyo shaqaale badan oo ajnabi ah kuwaasi oo howlo kala duwan ka haya halkaasi.

Waxaa muddo badan shaki ku jiray tirada Shaqaalaha anaajibta ah ee ka howlgala gala gudaha xarunta Xalane iyo qaabka ay u shaqeeyaan, waxaana arrintaan ka jawaabay Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Gaarka ah iyo Ajaanibta ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdirisaaq Macallin Cilmi.

Agaasime Cabdirisaaq ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya la socoto shaqaalaha ku sugan Xerada Xalane iyo guud ahaan Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha ayaa sheegay inay Magaalada Muqdisho shaqo ahaan u joogaan ajaanib badan oo tiradooda gaarayo ilaa 4670 Shakhsi oo u shaqeeyo shirkadaha iyo hey’ado kala duwan.

Agaasimaha ayaa sheegay inay baaritaan ku sameeyeen shaqada ka socoto Xalane iyo Shaqaalaha ku sugan isla markaasna ay ogaadeen waxyaabaha aysan horey uga war qabin, isagoo tilmaamay inay u gudbiyeen natiijada baaritaanka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyadoo dhawaan la filayo in lasoo saaro go’aamo.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay waxyaabo badan oo ku saabsan shaqaalaha ajaanibta ah ee ku sugan Xalane oo uu qaarkood sheegay inay si sharci ah ah uga shaqeeyaan Xeradaas.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysi uu siiyey VOA

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/4b7b5a41-f31f-49c6-97c3-6754e1784c68_48k.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this