Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo dil iyo dhac ku haya 3 ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Shacabka ku nool degmooyinka HodonKaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhibaato dil, dhac iyo cabsigelin isugu jirta ay kala kulmayaan tuugo ku hubeysan hubka fudud, sida qoryaha AK47, bastoolado iyo hubka cad, sida tooreyda ama abley.

Degmada Hodon koox hubeysan ayaa xalay ku dilay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Faarax Xiirey. Kooxda hubeysan ayaa Cabdullaahi ku dhex dishay gaari uu watay.

Sidaas oo kale, waxaa degmadan ka taagan tuugo abaabulan oo dadka shacabka dhibaato ku haya laga billaabo salaadda maqrib illaa fiidka hore ee 10:00 pm.

Degmada Hodon waxaa dhibaatadan la qaba degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid oo illaa hadda dadweyne ku nool ay sheegayaan in rag qoriga AK47 sita oo la soo hugtay dhar ay isku qarinayaan ay dadweynaha ku dhacayaan jidadka laga billaabo 5:00pm illaa10:00pm.

Degmada Kaaraan, xaafadaha qaarkood maalinta cad ayaa tuugadu waxa ay dadweynaha uga qaadataa taleefanada gacanta iyo wixii kale ee qalab ah oo ay wataan, iyada oo ay jiraan dhowr qof oo dil iyo dhaawac ay gaarsiiyeen tuugadan oo ku hubaysan hub uu ka mid yahay qoriga AK47 iyo bastoolado.

Shacabka halkaas ku nool ayaa sheegay in cadaadiskii saarnaa tuugada iyo dableyda dhaca geysata uu yaraaday saddexdii bil ee ugu dambeysay, sidaas awgeedna ay hadda bannaanka u soo baxeen iyaga oo halkii ay Mooto Bajaajka wax ku dhici jireen ay hadda iyaga oo laba-laba u socda jidadka ku dhacayaan dadweynaha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa markii xilka loo magacaabay waxa uu sheegay in uu muhiimad gaar ahaaneed siinayo nabadgelyada, hase yeeshee weli maamulka gobolka Banaadir kuma guuleysan xal u helidda iyo kahortegidda dhibaatada gaarta dadweynaha ku nool caasimadda.

Isha: Mustaqbal Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this